FAQ
A. Su’aalaha guud ee Jaamacadda
Jaamacaddu waa xarun ummadeed, waxay ku tiirsan tahay bulshada deegaannada kala duwan ee ay xarumaha ku leedahay, ma jirto jiho ama shaqsi gooniya oo sheegan kara,waxayna u jirtaa inay u adeegto farriinta ay xanbaarsan tahay iyo umadda Soomaaliyeed guud ahaan.
- Da’da iyo khibradda 25 sano jirsatay sannadka 2025
- Tirada kulliyadaha ay bixiso
- Xarumaha kala duwan ee jaamacadda
- Waqtiga 4-ta sano ee waxbarashada
- Aqoonsiga iyo xiriirada jaamacadda
- Tirada iyo tayada ardayda ka qalin jabiyey.
- Baaxadda ay ka shaqeeyaan ardayda ka qalin jabiyey (Dawlada, xarumo ganacsi, Hay’ado…).
- JBA waa goob waxbarasho iyo cilmi baaris, ardaygana waxaa loo diyaariyey inuu soo bandhigi karo aragti, hal abuur, talo soo jeedin iyadoo la raacayo habraaca sharciga ah.
- Ardaygu wuxuu kartidiisa ku soo bandhigi karaa fagaarayaasha Jaamacadda, ururka ardayda, fasalkiisa iyo goobaha loo cayimay.
- Jaamacaddu waxay ku adagtahay nidaamka waxbarasho laga bilaabo soo galitaanka Jaamacadda ilaa qalin-jabinta ardayga, mana ogolin marnaba inaan dabac galino ama aan ka tanaasulno ilaalinta Tayada waxbarasho
Ugu yaraan 20 arday.
Jaamacaddu ardaygeeda kaliya u diyaarin mayso inuu mujtamac Soomaaliyeed dhex joogo, ee waxay ku talagalaysaa in ardaygu waxbaarsho ama shaqo waddanka dibaddiisa u aado, sidaa awgeed ayay xoogga saaraysaa luqadaha English iyo Carabiga.
B. Su’aalaha la xiriira Waxbarashada
- JBA waxay manhajkeeda u dajisay hab caalami ah, waxaa manhajka loogu talagalay inuusan culays badan saarin ardayga 2-da sano ee hore, balse in labaro asaasiyaadka, lagana dhiso luqadda, sidoo kale waxaa la siinayaa maaddooyinka ka mid ah kuwa kulliyaddisa.
- JBA waxay u qaybisay maaddooyinka manhajkeedu ku baxo qaabka ah:
- Maaddooyin guud (university courses)
- Maddooyin kulliyad (faculty courses)
- Maddooyin qayb/waax (department courses)
JBA waxay tixgalisay markay manhajka diyaarinaysay habka isku dhererinta (Benchmarking) Jaamacadaha heer deegaan, gobol iyo kuwa caalam intaba, kulliyad kasta manhajkeedana waxaa lagu dhereriyey wax ku dhaw 12 Jaamacad oo kala duwan deegaan ahaan iyo dhaqan ahaanba.
Marna suurtagal maahan in Manhajka maaddo laga tuuro, mid kalena lagu daro iyadoon ogolaansho laga haysan qaybta akaadeemiga Jaamcadda, oo laga hayyo qoraal saxiixan iyo sababayn.
- Nidaam ahaan waxbarashadeennu waxay u qaabaysan tahay afar afar, tusaale ahaan, waxbarashada hoose dhexe waa afar afar sano , sidoo kale waxbarashada dugsiga sare waa afar sano, Jaamacadduna waa inay afar sano noqotaa. Waxaa kaloo jirta wareegta Wasaaradda Waxbarashaa Puntland ee ah in waxbarashada heerka koowaad ay tahay 4 sano.
- Manhajka Jaamacadda oo ah mid culus ayaa keenayaa in 4 sano lagu qaato.
- Jaamacaddu waxay leedahay laabab kala duwan sida kan caafimaadka iyo kan kumbuyutarada, sidoo kale waxay leedahay xarunta kobcinta hal-abuurka Ardayda iyo tababarrada.
- Ardayda caafimaadku waxay gacan qabashada iyo fahamka ku qaataan gudaha Jaamacadda.
- Ardayda caafimaadku markay marayaan sanadka 3aad Waxaa loo diraa baraatiko dibadda Jaamacadda ah, waxayna Jaamacaddu xiriir la leedahay isbitaalka weyn ee Garowe, isbitaallo gaar loo leeyahay iyo xarumaha hooyada iyo dhallaanka.
- Ardayda culuumta kumbuyuutarku waxay ku qaataan baraatikada isla laabka Jamaacadda.
- Ardayda Kulliyadaha xanaanada Xoolaha iyo beeruhu waxay ku qaataan gudaha Jaamacadda iyo dibadda, waxaana loo diyaariyey qalabka ay ku shaqaynayaan.
- Ardayda Qaanuunku waxay leeyihiin halka ay baraatikada ku samaynayaan.
- Arday kasta oo Jamaacadda dhigta waxaa laga rabaa internship, aradayda Caafimaadkuna waxay leeyihiin habraac u gooniya oo kulliyaddu hayso.
- Jaamacaddu waxay xoogga saartaa sidii aay ardaydeeda u siin lahayd tababaro iyo shaqa baris gudaha iyo dibadda Jaamacadda.
C. Su’aalaha la xiriira Qiimaynta Ardayga
- Jaamacaddu waxay leedahay qiimayn ku salaysan 100%.
- Hawl-qabada, shaqo fasal, laylis w waxaa ardayga lagu qiimeeyaa 50%, waxayna u qaybsan tahay sidaan:
- Laylis 10%
- Xaadiris 10%
- Kooxo u shaqayn iyo soo jeedin 10%
- Imtixaan dhexe 20%
- Imtixaannadan waxaa maamula macallinka maadada, waxaana kor joogteeya hormuudka kulliyadda.
- Imtixaanka u danbeeya Jaamacadda, waxaa lagu qiimeeya 50%, waxaana maamula korjoogteeyana guddi ay jaamacaddu u saarto.
- Waxaa ka mid ah imtixaanka celiska ah , maaddo ardayga ku soo laabatay
- Imtixaanka celiska sanadkii waxaa lagalaa laba jeer , micneheedu waa halkii kal-waxbarasho (semester) waxaa la qaadaa hal mar oo ah ah laba todobaad ka dib bilaabashada waxbarashada.
- Imtixaanka celiskaa waxaa lagu saxaa 80%.
- Ardayga waxaa laga doonayaa inuusan ka fakarin maaddo ama maaddooyin ayaa kugu soo laabanaya, ee taas badalkeed uu dadaalo, haddiise ay dhacdo, waxaa laguu ogol yahay maddooyinka kugu soo laabtaa inaysan ka badnayn kala badh maaddooyinka aad qaadato iyo hal dheeri ah 50+1.
- Tusaale, hadii maaddooyinka aad dhiganayso ay yihiin 6 maaddo, oo ay afar kugu soo laabatao ma gudbaysid oo halkaagii baad sii joogaysaa.
- Haddii aad ku maqan tahay duruuf waa inaad haysataa caddayn inaad fasax ku maqan tahay, haddii kale waxaa laguu tixgalinayaa qof maqan ama ka baxay Jaamacadda.
- Haddii duruuftaadu ay dheertahay waxaa kuu furan inaad xirato Jaamacadda.
- Haddii aad imtixaanka uga maqnaato cududaar la’aan, jaamacaddu masuul kama noqonayso tillaabada lagaa qaado.
D. Su’aalaha la xiriira Fasaxyada, Xaadiriska iyo Cabashada
- Marka hore codsi qoraal ah gee xafiiska hormuudkaaga, ka dibna codsi gee xafiiska arimaha ardayda, haddii uu yahay fasaxu mid ka badan 1 todobaad, waxaa fasixi kara kaliya xafiiska arimaha ardayda.
- Ogolaanshaha fasaxu waa inuu qoraal noqdaa.
- Inta aad fasaxa ku jirtid Jaamacaddu kama masuul ahana wixii waxbarasho ku dhaafta.
- Marka horeba abbaar xafiiska hormuudkaaga haddii ay tahay wax la xiriira waxbarasho.
- Haddii hormuudku cabashadaada wax ka qaban waayo qoraal cabashaa waxaad geysaa xafiiska arimaha ardayda, isaga ayaa la wadaagaya cidday khusayso, dabagalayana in hawshaada lagaa shaafiyo.
- Ma banaana cabasho aan waafaqsanayany sharciga Jaamacadda sida Macallin fasalka looga baxo, ama xaadirid la’aan fasallada qaybtood, waxaana arrintaan ka dhalanaya ciqaab gaari karta in Jaamacadda lagaa cayriyo.
- Jaamacaddu waxay ardayda ku xaadirisaa nidaamka database online ah , sidaa awgeed haddii maqnaanshahaagu ka bato 25%, laguuma ogolaanayo inaad gasho qiimaynada(imtixaannada) maadadaas.
- Micnuhu waxaa weeye 75% waa inaad fasalka xaadirtaa, xiisaddana qaadataa.
- Ardaygu wuxuu qaadan karaa fasax kooban, wuxuu ka qaadanayaa haddii ay maalin ka badan tahay xafiiska diiwaangalinta.
- Jaamacaddu waxay leedahay laba fasac, kal-waxbarasheedka koowaad, ardaygu wuu leeyahay 20 bari oo fasax ah, kal-waxbarasheedka labaadna wuxuu leeyahay 3 bilood oo fasaxa xagaaga ah.
- Waxaa dhici karta in fasaxa xagaaga aad hesho I bil, gaar ahaan Ardayda dhigata barnaamijka ILS ee English- ka.
- Jaamacaddu waxay Ardayda fasax siisaa 10-ka danbe ee Ramadan, Ciidaha iyo xaaladaha gaar ka ah ee maamulku soo saaro.
- Si lagaaga haqab tiro su’aashan, fadlan booqo xafiiska arimaha waxbarashada.
E. Su’aalo dheeraad ah
- Wixii qaabilsan lcagaha waxbarashada waxaa lagala xiriirayaa xafiiska Maaliyadda, hase ahaatee, ardayga waxaa laga filayaa inuu lacagta u bixiyo qaabkan:
- 30% markuu bilaabo kal-waxbarasheedka ( semester) ilaa imtixaanka yar ( Quiz).
- 40% markuu galayo imtixaanka dhexe (mid-term)
- 30% markuu galayo imtixaanka ugu danbeeya kal-waxbarasheedka( final exam)
- JBA waxay meel adag ka taagan tahay qishka iyo wixii la hal-maala, ardaygii lagu arko qish nooca uu doono ha ahaadee wuxuu marayaa tillaabooyinkaan soo socda:
- Baabi’in ama waayid imtixaanka maadadaas uu qishay.
- Magaciisa oo lagu dhajiyo boorka Jaamacadda.
- Imtixaan uu kharash bixinayo inuu dib u galo.
- Waxaa go’aan ka gaaraya guddiga akhlaaqiyaadka Jaamacadda, iyaga oo raacaya habraaca anshaxa ardayga ee Jaamacadda.
- Labisku wuxuu muujinayaa dhaqanka iyo akhlaaqda ardayga sida awgeed, Jaamacaddu waxay aad ugu adagtahay arrimaha labiska, ardayga waxaa laga filayaa inuu la yimaado dhaqan muujinaya ardaynimo, ilbaxnimo
- Ururka ardaydu waa waax ka tirsan Jaamacadda, waa halka ay ardaydu ku soo bandhigaan awoodohooda iyo hal abuurkooda. Waxaa la doortaa hooggaanka ururka ardayda sanad waxbarasheed kasta bisha Febraayo.
- Nidaam ahaan ururku wuxuu hoos tagaa xafiiska arimaha ardayda ee Jaamacadda.
- Ururka hoggaankiisa waxaa doorta guud ahaan ardayda Jaamacadda(faraca).
- Wuxuu leeyahay Miisaaniyad iyo shaqooyin ay tahay inuu qabto.
- Arday kasta oo buuxiya shuruurdaha musharaxnimo ee ku qeexan xeerka ururka wuxuu xaq u leeyahay in uu isu soo taago hoggaanka ururka.